Sida ay u shaqeeyaan naadiyada Finland
Shaqada kooxaha Finland waa hab ama nidaam wada shaqayneed oo ka wada duulaya sharci qudha. Naadigu wuxuu u diyaariyaa shaqada xubnaha ka tirsan, markaa carruurtaadu waa xubin ka mid ah. Waad ka mid noqon kartaa xubin adiga oo bixinaya lacagta ka mid noqoshada xubinnimada. Xubnuhu waxay xaq u leeyhiin inay ka qaybgalaan shirsannadeedka kooxda. Shir sannadeedka waxaa lagu go’aamiya Kooxda cida hogaamin doonta, miisaaniyada, dhaqaalaha iyo lacagta xubinnimadu intay ay noqon karto.
Kooxda arrimaheeda waxaa si toos ah u go’aamiya Hogaamiyaha kooxda. Kooxda cida hogaaminaysa waxaa lagu falanqeeyaa shirka waalidiinta. Waalidiinta ayaa iska dhex doorta hogaamiyaha kooxda, lacag hayaha, iyo caawiyaha kooxda iyo cidii kale ee loo baahdo. Tababaruhu wuxuu noqon karaa mid naadigu soo magacaabo ama mid ay waalidiintu iyagu soo doortaan.
Marka ilmahaagu ku soo biro kooxda wuxuu xaq u leeyahay inuu metelo kooxdiisa. Marka uu ilmahaagu ka baxo kooxdiisii hore ee uu koox kale u wareegayo, wuxuu kooxdiisa ka qaadanayaa shahaadadii uu ugu wareegayay kooxda cusub. Waalidku waa inuu u tagaa kooxdii hore ee ilmahiisu u ciyaari jiray si uu ugu qaado shahaada ama warqada wareejinta waa la siinayaa, waayo waxaa ku cad lacagtii uu bixin jiray iyo sida loo maamulay.
Tababarka kooxdu wuxuu mar kasta ka dhacaa meel naadigu diyaarsaday ama kiraystay. Kooxda iyo xubnaha naadiga waxaa waajib ku ah inay daryeelaan oo ay nadaafada meesha dhawraan, sida garoonka, meesha dharka lagu xidho waa inaan qashin ama xashiish lagu tuurin. Haddii aad ka maqnaanayso tababarka ama ciyaarta si dhakhso ah ula soo xidhiidh tababaraha. Tababaraha ayaa hagaya ama hogaaminaya ciyaaraha iyo tababarada. Marka kooxdu garoon tababar ku leedahay looma baahana in ciyaartoy kale oo aan tababaraha fasax ka haysanin inuu ku ciyaaro garoonkaas. Waa in sidaa loo fahmaa. Inta badan garoonadu galabtii way wada buuxaan oo way kiraysan yihiin.
Naadiga iyo kooxaha lacagaha ay helaan
Lacagta Xubinnimada
Lacagta ciyaartoyga laga qaado
Lacagta bisha ama kooxda ee ciyaaryahanka laga qaado
Lacag ay iskood u ururiyaan
Lacagtaasi halka ay ku baxdo
Kubado loogu iibiyo kooxda
Arrimaha xafiiska sida: daabacaada, telefoonada, xisaabinta
Shaqaalaha
Tababarka shaqaalaha
Kiraynta garoomada
Ka qaybgalka ciyaarha
Tababarka ciyaartoyda
Shaadhka ama dirayska ciyaartoyga
Ruqsada ciyaarta
Caymiska
Ciyaaraha waaweyn ka qaybgalkooda
Qalabka tababarka
Gargaarka degdeg ah
Iyo wixii kale ee loo baahan yahay
Qaybta la doonayo inay waalidku ka qaataan naadiga ama kooxda
Waxaa wanaagsan inay waalidiintu ka qayb qaataan wada shaqaynta
kooxda, waana loo baahan yahay. Hadii aad ka soo qaybgasho waxqabadka
kooxda, waxaad ogaanaysaa ama la soconaysaa halka wax marayaan.
Shirka
waalidiinta iyo kooxda markasta waxaa lagu go’aansada sida kooxda wax
loogu qabanayo, isla markaana waxaa laga wada hadla sidiii wax laysugu
ogaan lahaa.
Shirka waalidiinta iyo kooxdu waa muhiim in laga soo
qaybgalo. Sannadkii waxyaabo badan baa soo kordha, sidaa darteed waa
muhiim in waalidku yimaado tababarada ama ciyaraha marka ay socdaan, si
uu war ku filan u helo.
Wakhtigan xaadirka ah fariimaha waxa la isugu diraa Komputerka, markaa haddii aanu reerku komputer
lahayn,
ama aanay fariintu gaadhin waalidka, si toos ah u tag garoonka,
waydiiso tababaraha wixii su’aal ah. Runtii way kuu sheegi doonaan wixii
fariin ah ee ay kuu hayaan. Ama waxaad waydiisan kartaa fariinta oo
warqad ku qoran, si aad qof kaa caawiya ugu la tagtid.
Shaqada
kooxdu waxay salka ku haysaa is xilqaamis. Kooxdu lacagta ay ku shaqaysa
waalidiinta ayaa iska soo ururisa, sida iyaga oo meel nadiifiya ama
alaabo yar yar iibiya, lacagta ka soo baxdana ugu deeq kooxda. Sidaa
darteed waad la shaqayn karta si aad isu barataan waalidiinta kale.
Dhaqangelinta nidaamka ciyaarta
Qofkasta
oo ka mid noqonaya kooxda waa inuu dhaqangeliyaa nidaamka ciyaarta
looga baahan yahay. Ka wada hadalka nidaamka ciyaartu wuxuu ku salaysan
yahay korinta iyo kobcinta ciyaartooyga. Wixii lagu wada heeshiiyo waxaa
lagu soo qorayaa websidtka (www.kaikkipelaa.fi) sannadkii hal mar ka
hor inta aanay ciyaaruhu bilaambin.
Puolen Pelin Takuu sääntö: Waxaa jira nidaam la yidhaa (PPT) oo dhaqan galay.
Intaan ka wada hadalka nidaamka ciyaarta la guda gelin, ayaa waalidka iyo ciyaartoyga lagula heshiinayaa
sidee
baa ciyaartoyga loo hubinayaa ciyaartiisa, sida ciyaaraha waaweyn iyo
sannadka oo dhan halka uu ka joogo kooxda. Marka ay kooxuhu ciyaartoy
badan leeyihiin waxaa habboon in la kala qaybiyo ama la kala saaro si ay
ciyaaraha uga wada qaybgalaan, isla markaana nidaamka PPT-gu u hir
galo.Ciyaartoy kasta waa inuu garoonka galaa iskuna dayaariyaa inuu meel
kasta ka ciyaari karo. Ciyaarta oo dhan waxay inta badan ku salaysan
tahay sida laysugu afgarto ama lagu heshiiyo nidaamka wada hadalka
ciyaarta. Nidaamkani wuxuu khuseeyaa ilaa 11 jirada.
Warqada ruqsada ciyaarta iyo caymiska
Ciyaartoy
kasta oo ka qaybgeleya tartan ciyaarta kubada cagta ah waa khasab inuu
lahaado ruqsada ciyaarta. Kooxda ayaa ka mas’uul ah caymiska khasabka ah
inay diyaariso.
- Ciyaartoyga aan lahayn ama haysan warqada ruqsada waxaa la eegayaa xaq ma u leeyahay in ciyaartoy loo aqoonsado.
- Xafiiska weyn ee kubada cagta qaranka Finland waa in loo sheegaa inuu caymiska ciyaartoygu shaqeynayo.
- Haddii aanu caymiska ciyaartoygu sax ahayn waxaa la eegaya xaq ma u leeyahay inuu ciyaaro.
- Kooxda ama ciyaartoyga laftiisa ayaa la waydiin karaa ma haystaa warqadda ruqsada ciyaarta mase shaqaynaysaa.
- Naadiga lagu qabto ama lagu helo in aannu sax ahayn ruqsada ciyaarta ee ciyaartoyga dembi ayaa lagu qaadayaa.
Ka raadso warqadda ruqsada ciyaarta internetka:
http//www.palloliitto.fi/seura/palloverkko
Qalabka looga baahan yahay ciyaartoyga (kuwa xidigta leh waa khasab)
Dharka kubadda | Waxaad ka heleysaa kooxda | Adiga ayaa keensanaya |
Shaadhka ciyaarta * | ||
Surwaal gaaban | ||
Surwaalka garoonka | ||
Sharaabaadka ama iskaalsaha ciyaarta | ||
Kuwa gubka lagu xidho* | ||
Kabaha kubada | ||
Gool hayaha shaadhkiisa | ||
Gool hayaha surwaalkiisa | ||
Gool hayaha gacmo gashigiisaa | ||
Shaati gacmo dheer | ||
Surwaal lugo dheer | ||
Garan ama funaanad gacmo gaab | ||
Dharka dabaysha ama dhaxanta | ||
Surwaalka almentada ama tababarka | ||
Jaaketka ama funnaanada almentada ama | ||
Kabaha gudaha lagu ciyaaro | ||
Kubad | ||
Caagada biyaha lagu qaato |